OUR STATE
OUR LANGUAGES

Nagu saabsan

Shati la'aantu waxay culeys weyn ku tahay ganacsiga, shaqaalaha, carruurta, iyo badqabka dadweynaha. Tani waxay si xun u saamaysaa ganacsiyada yaryar iyo dhaqaalaheena, gaar ahaan xilligan lagu jiro shaqaale la`aanta. Arintani sidoo kale waxay gacan ka geysataa kor u kaca qiimaha sicirka gobolka reer Tennessee guud ahaan. Waxaa si toos ah loo dareemi karaa arintaan marka waaridiin badan ay ilmohooda dhaqtarka gayn kari waayaan. si la mida badqabka dadbadan halis ayey galaysaa marka ay soo baxaan dadbadan oo sharci darro kuwada baabuurta si ay naftooda amase caruurtooda u badbaadiyaan. Waxaanu wayn karnaa fursado dhaqaale marka dadka doonaya ineey buuxiyaan baahida weyn ee darawal nimada baabuurta waayen ee xamuulka ah, basaska iyo wadayaasha tagsiyada marka laga hortago in ay sidaas sameeyaan siyaasadda dib u dhaca ah ee gobolkeena darteed.

waxay u egtahay in gobolka Tennessee dib u dhacayo. Darawaliinta reer Texas, Kentucky, Florida, Arizona, iyo Alabama dhamaantood waxay leeyihiin marin-u-helid luqadeed oo aad u haboon marka loo eego gobolka Tennessee. Anaga, hadaanu nahay ganacsatada reer Tennessee, waxaan ku adkeysaneynaa #DrivingTNForward si aan ufududayno culeyska saaran dadka shaqaalaha ah ee gobolka si aan u gaarsiino dadkeenna mustaqbal ifaya, badbaado leh, kaas oo dhamaan loo aayo. 

Haddaynu nahay dadka deegaanka iyo Ganacsata reer Tennessee, waxaanu dalbanaynaa helitaan Adeeg luuqadeed oo ka turjumaysa dadka gobolkeenna.

Members